FURSAD DEEQ WAXBARASHO
Wasaaradda Maaliyadda ee Dowaladda Galmudug, waxa ay fursad deeq waxbarasho ah u soo gudbineysaa Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Galmudug.
SHURUUDAHA
- Waa in uu haystaa shahaadada heerka 1-aad (Bachelor degree) .
- Waa in uu ka haystaa Jaamacad la aqoonsanyahay.
- Wa in uu kamid yahay shaqaalaha joogtada ah ee Wasaaradda Maaliyadda
- Waa inuu haystaa aqbalaad Jaamacadeed (Admission) mid ka mid ah kuliyadaha hoostaga Jaamacadaha liiskooda halkaan hoose lagu lifaaqay.
F.G: Deeqda waxbarasho waa mid daahfuran waxaana si gaar ah loogu dhiirigelinayaa shaqaalaha Waaxda Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Galmudug.Dhamaan warqadaha codsiga waxaa lagu soo hagaajinayaa xafiiska Agaasimaha Guud Waxeeyna bilaabaneeysaa 1da january 2025 ku eg 20 february 2025 ama kusoo dir Email: [email protected]