Ministry of Finance Galmudug

FURSAD DEEQ WAXBARASHO

Wasaaradda Maaliyadda  ee Dowaladda Galmudug, waxa ay fursad deeq waxbarasho ah u soo gudbineysaa Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Galmudug.

 SHURUUDAHA

  • Waa in uu haystaa shahaadada heerka 1-aad (Bachelor degree) .
  • Waa in uu ka haystaa Jaamacad la aqoonsanyahay.
  • Wa in uu kamid yahay shaqaalaha joogtada ah ee Wasaaradda Maaliyadda  
  • Waa inuu haystaa aqbalaad Jaamacadeed (Admission) mid ka mid ah kuliyadaha hoostaga Jaamacadaha liiskooda halkaan hoose lagu lifaaqay.

F.G: Deeqda waxbarasho waa mid daahfuran waxaana si gaar ah loogu dhiirigelinayaa shaqaalaha Waaxda Dakhliga  ee Wasaaradda Maaliyadda Galmudug.Dhamaan warqadaha codsiga waxaa lagu soo hagaajinayaa xafiiska Agaasimaha Guud muddo 30 Maalmood ah oo ka bilaabaneyso 23ka May 2024 kuna eg 22ka Jun 2024 ama kusoo dir Email: Dg@galmudugmof.so